Xasan Daahir oo booqasho ugu tagay Barakacayaasha.
Bartamaha (Muqdisho):- Waxaa maanta markii ugu horaysay inta la xasuusto booqasho Barakacayaasha ugu tagay Xasan Daahir Aweys oo kooxdiisa ay ka mid ahaayeen dadkii soo barakiciyay shacabka Muqdisho.
Sheekh Xasan Daahir Aweys Hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam ayaa maanta gaaray deegaanda Ceelasha Biyaha isagoo booqasho ugu tagay dadkii ka soo cararay Dhismayaasha Filooyinka iyo Dabaqyada ahaa haatana ku hoos nool Buushash Baco iyo Cooshada ka samaysan.
Sheekh Xasan ayaa waxa uu maanta dhismayaashooda ugu tagay dadkii ka soo cararay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho isagoo kala hadlay xaaladaha dhanka Nolosha ay ku noolyihiin.
Hogaamiyaha waxa uu hadalkii ugu horeeyay ee dadkaasi uu u jeediyo uu ahaa dalab ku aadan in ay isku tashtaan oo aanay ku tiirsanaan hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobe oo horay ay u mamnuuceen Alshabaab.
Sheekh Xasan oo dhowr Kaam gaaray ayaa waxa uu shacabka Ceelasha Biyaha u sheegay in ay Kooxdiisa Xizbul Islaam gacan ka sinayso dhanka Nolosha xiliga Bisha Barakacaysan ee Ramadan.
Markii uu booqashada soo dhamaystay ka dib ayaa la xaqiijiyay in Hogaamiyahan uu la kulmay masuuliyiinta Ganacsatada Deegaanada loo barakacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye .
Kulankaasi dhexmaray ganacsatada iyo Xasan Daahir Hogaamiyaha Xizbul Islaam ayaa la sheegay in uu salka ku hayay sidii Bisha Ramadan ay ganacsatada u afurin lahaayeen dadka liita ee ka mid ah Barakacayaasha.
Sheekh Xasan ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in ganacsatada iyo Maamulka Xizbul Islaam ay isla meel dhigeen in gacan laga siiyop Barakacayaasha xaaladaha xagga Nolosha islamarkaana afur la siiyo xilliga bisha Ramadan.
Booqashada Wadaadka hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam ayaa waxa auy imaanaysaa xilli weli dagaalada ay hogaaminayaan Alshabaab iyo Xizbul Islaam weli lagu sii barakacayo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments