Xasan Abshir iyo C/risaaq Jurile oo tartan ugu jira helitaanka Xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan Xasan Abshir Faarax iyo C/risaaq Cismaan Xasan “Jurile” ayaa bilaabay xod xodashada Madaxweynaha si mar uun loogu magacaabo xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Labada nin ayaa waxa ay saacadihii la soo dhaafay isaga daba noqonayeen aqalka Madaxtooyada Villa Somalia iyadoo mid walba uu doonayo in xilka banaan balse la isku haysto loo dhiibo.
Xasan Abshir ayaa shalay ka dhex muuqday Xildhibaanada ay beesha wadaagaan waxa uuna ka dalbaday in ay gacan ku siiyaan sidii uu u heli lahaa xilka Ra’iisul wasaaranimada.
Dhana kale C/risaaq Jurile oo xiligan ka mid ahaa Golaha Wasiirada ayaa sheegay dhankiisa bilaabay in uu raadiyo xilka Ra’iisul Wasaaranimada isagoo ka mid ahaa raggii shalay ka agdhawaa Cumar C/rashiid xiliga uu qabanayay shirka jaraa’id.
Masuulkaasi ayaa waxa uu la shiray sida warka aynu ku helnay qaar ka mida Xildhibaanada beesha uu ka so jeeda ah isagoo kala hadlay qorshaha uu doonayo oo ah in uu helo kursiga Cumnar C/rashiid uu ka kici la’yahay.
Lama garanayo sida ay raggaasi ku heli doonaan xilka ay u xusul duubayaan oo ah mid uu ku dhaganyahay weli Cumar C/rashiid oo shalay sheegay in sharci daro ay tahay kala dirida xukumadiisa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments