Xarakatu Mujaahidiin Al-shabbab oo si nabadgelyo ah kula wareegtay Degmada Badhaadhe ee Gobolka J/hoose.
Bartamaha(badhaadhe);-Ciidamada xarakada mujaahidinta Al- shabbab ayaa waxa ay maanta niiskii hore ay si nabad galyo ah ay ola wareegeen gacan ku haynta degmada Badhaadhe ee Galbeedka Gobbalka Jubbada Hoose,halkaasoo ay horay oga arimin jireen ciidamada Axmed max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin ka ah ururka Xizbul Islaam
Ma jiraan wax dagal ah oo ku qotoma lawareegida ay ciidamada Al shabbab ay lawareegeen Degmada Badhaadhe oo ka dhashay halkaasi,hayeeshee waxan ilaa iyo hada la ogayn halka ay qabteen ciidamadii Xisbul islaam ee horay u joogay Degmada Badhaadhe
Ma jiraan wax dagaal ah oo ka dhacay Degmadaasi ilaa iyo haatanna lama yaqaano halka ay qabteen ciidamii uu horkacayay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo iyagu hore ugu sugnaa Degmadaasi Badhaadhe
Deegaanada ay maanta la wareegeen Xoogaga Al-shabbab e Gobbalka Jubbooyinka ayaa waxaa horay oga arimin jiray ciidamadii xisbul islaam gaar ahana kuwii taabacsanaa Axmed Madoobe,oo aan ilaa hada la garanaynin halka ay jaan iyo cirib dhigeen ciidamad horay u joogay Degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku heeran.Â
Bartamaha_kismayo
Ismaaciil cali cabdi
Comments
comments