Xarakada Alshabaab oo xertay Idaacadihii ka furnaa Baydhabo iyo FM-yada Muqdisho oo loo baqayo.
Bartamaha(Baydhabo):-Maamulka Alshabaab Baydhabo ayaa wareegta ka soo baxday hawada maanta uga saaray laba Iadaacad oo ku taalay Magaaladaasi ka dib qoraal loo geeyay.
Maamulka Alshabaab ayaa si guud u soo saaray qoraalo lagu daminayo dhammaan Idaacadaha ka furan Deegaanada ay maamulaan oo dhawaan la doonayo in la hirgaliyo amarkaasi.
Dadka Magaalada Baydhabo saaka ayay dhagahooda ka waayeen Idaacadaha Jubba Radio iyo Warsan Radio oo labaduba ahaa idaacado madax banaan oo wararka xaqiiqda ah inta badan tabin jiray.
Warar lagu kalsoonaan karo oo soo gaaraya Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in ammiirada Alshabaab ay si guud u go’aamiyeen in la xero dhammaan Idaacadaha ka shaqeeya deegaanada ay maamulaan.
Lama oga waxa xigi kara xiritaanka Idaacadaha FM-yada ahaa ee Magaalada Baydhabo iyadoo in ka badan 9-Idaacad ay Muqdisho kaga yaalaan Deegaanada ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiga ah .
Wixii warar ah ee dhacdooyinka laga baqanayo ku aadan kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments