Calendar

Xarakada Alshabaab oo sheegtay in Calanka Madow ay ka taagayaan meel kasta oo Soomaaliya ka mida.

amir xigenkaBartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in Calanka Madowga ah uu ka shaqeynayo Soomaaliya iyagoo weeraray samaynta Calamada kale.

Afhayeenkii hore ee Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo la hadlayay odayaal ka soo jeeda Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegay in dalka soomaaliya aanay aqbali doonin in Calamo kale laga taago.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Xarakada Al Shabaab oo waxgaradka la hadlayay ayaa waxa uu ka hadlay arinta Maamul Goboleedyada isagoo sheegay in Calanka Madowga ah uu noqon doono mida Caalamka ka taliya.

Sargaalkaasi Alshabaab ka mida ayaa waxa uu hadalkiisa ku sii daray in aanu maqli Karin Puntland,Jubaland, iyo erayo la mida oo uu ku dhaqaaqay wadadaadkaasi Alshabaab xilli Afhayeenka u ahaa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: