Xarakada Alshabaab oo sheegtay in ay Xizbul Islaam wada hadal kala leedahay Dagaalada Kismaayo.
Bartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan wada hadal ay la leeyihiin Xizbul Islaam si loo qaboojiyo xasarada ka taagay Deegaanada Jubooyinka.
Sheekh Xuseen Cali Fiidow Madaxa Siyaasada iyo Xiriirka Gobolada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan wada hadal u socda Alshabaab iyo Xizbul Islaam si xalo buuxa looga gaaro dagaalada.
Shekh Xuseen Cali ayaa sheegay in Saraakiisha labada urur ay kulan ka yeesheen arimaha dalka iyo dagaalada dhexdooda ka dilaacay kuwaasi oo uu sheegay in qodobo hishiis ah laga gaaray.
Madaxa Xiriirka Gobolada iyo Siyasada Alshabaab ayaa sheegay in labada urur ay isla meel dhigeen illaa Saddex qodon oo muhiim ah:
1-Â Â Â In guddi xalin ah loo saaro dagaalada labada dhinac.
2-Â Â Â In wax walba loo eego shareecada Islaamka si xalka uu u fududaado.
3-Â Â Â In la iska kaashado la dagaalanka Cadowga iyo harag daamada uu wado.
Sheekh Xuseen Cali Fiidow ayaa balan qaaday in dhanka Xarakada Alshabaab ay dhaqan galinayso qodobadaasi islamarkaana aanay qorshahooda ahayn dagaalo ay walaalahood la galaan.
Hadalkan ka soo baxay Xarakada Alshabaab ayaa imaanaya xilli dagaalo weli ay ka socdaan deegano ka mida Jubada Hoose oo dhibaatadu ay weli circa isku sii shareerayso.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments