Xarakada Alshabaab oo sheegtay in ay gacanteeda soo galeen rag ka mida Sirdoonka Dowlada Soomaaliya xukuna ku ridi doonaan.
Bartamaha(Muqdisho):- Maamulka Alshabaab Ee Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen kooxo ay ku sheegeen jaasuusiinta Dowlada .
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ee Maamulka Alshabaab Sheekh Cali Max’ud Xuseen ayaa sheegay in ay gacantooda soo galeen rag uu ku tilmaamay sirdoonka Dowlada iyo Amisom la shaqeeya.
Sheekh Cali Max’ud ayaa sheegay in ragga ay xiligan gacanta ku hayaan dhawaan ay soo taagi doonaan Maxkamad islamarkaana ay xukun dul dhigo doonaan kuwaasi oo uu sheegay in dhibaato ay Mujaahidiinta kala kulmeen.
Waaliga Gobolka Banaadir ayaanan sheegin mudada ay raggaasi Maxkamada soo tagi doonan isagoo ku gaabsaday in dhawaan ay xukun ku ridayaan ragga ay hayaan oo aanu cadadkooda sheegin.
Illaa haatan lama oga qaabka loo xukumi doono ragga Sirdoonka lagu sheegay iyadoo horey Kooxda Alshabaab ay xukuno qarsoodi ah ugu riday rag ay ku sheegeen Jawaasiis oo qarkood Madaxa ay ka jareen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments