Xarakada Alshabaab oo sheegtay in ay dileen Sargaal sare oo ka mida Ahlu sunnah.
Bartamaha(Dhuusa-Mareeb):-Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay in ay dileen Sargaal sare oo ka mida Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.
Masuul u hadlay Kooxda Alshabaab Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegay in ay shalay dileen Sargaalkii Kooxda Ahlu sunnah Deegaanka Mareerbuur u qaabilsanaa.
Ciidamada Alshabaab ayaa Shalay galinkii danbe la wareegeen gacan ku haynta Deegaankaasi Mareerguur iyagoo sheegay in ay toogasho ku dileen Madoobe Cumar Axamed Kadiye oo ahaa Taliyihii Deegaankaasi.
Madoobe Cumar ayay Alshabaab ku sheegeen in uu ahaa Taliyahii Ahlu sunnah Deegaanka ku dhow Dhuusamareeb oo shalay qabsadeen ka dibna ay ku dhex dileen Deegaankaasi.
Sargaalkan ay Alshabaab sheegeen in ay dileen ayaa waxa uu ka mid ahaa Saddcex qof oo shalay ay dileen markii ay galeen Deegaanka Mareerbuur oo duleedka ka ah Dhuusamareeb.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments