Xarakada Alshabaab oo maqribnimadii caawa dib ula wareegtay Degtmada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo.
Bartamaha (B/Xaawo):-Â Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa dagaal xoogan ka dib waxa ay dib u qabsadeen Degmada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo halkaasi oo dhawaan ay isaga soo bexeen.
Warar goordhow naga soo gaaray Degmada B/Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in Degmadaasi ay la wareegeen Ciidamada Xarakada Alshabaab oo dagaal qaraar la galay kooxda Ahlu sunnah.
Dagaalka oo ka bilowday Wadada koonfureed Ee B/Xaawo ayaa waxa uu ku soo siqay dhanka gudaha Degmada halkaasi oo ay soo gaaraysay rasaasta iyo madaafiicda labada dhinac ay isdhaafsanayeen.
Mudoo kooban ka dib dagaalka xoogiisa ayaa waxaa Kooxda Alshabaab u suurta gashay in ay soo galaan Degmada B/Xaawo iyadoo dagaalka uu u wareegay dhanka Deegaanka isku xera Doolow iyo B/Xaawo.
Illaa haatan xaalada Degmada ayaa kacsan iyadoo laga maqlayo rasaas wadada dhnaka woqooyi Degmadaasi kaga baxda deegaanka Doolow halkaasi oo labada koox ay isku hayaan.
Wixii warar ah Eek u soo kordha dagaalada Degmada B/Xaawo iyo la wareegida Alshabaab Ee Degmadaasi kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments