Calendar

Xarakada Alshabaab oo fariin digniin ah u dirtay Dowlada Wadanka Kenya.

alshababaaBartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa digniin culus u dirtay Dowlada Wadanka Kenya oo ay ku Eedeysay in ay tababar siinayso Maleeshiyaad lagu doonayo weerarka deegaanada Jubooyinka.

Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo Saxaafada Muqdisho la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Kenya ay cadow ku tahay dhaqdhaqaaqyada Islamiga ah.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku sheegay Ciidamada tababarka looga bilaabay Kenya kuwa lagu doonayo in lagu soo weeraro Deegaanada ay maamulaan Xoogaga Islaamiga ah.

Afhayeenka ayaa sido kale sheegay in Axmed Madobe oo ah Sargaal dhawan la dagaalamay Ciidamada Alshabaab Kismaayo uu yahay hogaanka Ciidamada Kenya lagu tababarayo islamarkaana la doonayo in uu la wareego askartaasi si ay qaab qabiil ula dagaalaman Maamulka Islaamiga ah Ee Jubooyinka.

AAfhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa ku sheegay sargaalkaasi mid aan u adeegayn danaha Xizbul Islaam balse uu yahay wakiilka Dowlada KMG,Ethiopia iyo Kenya ee Gobolada Jubaooyinka.

Xarakada Alshabaab ayaa ugu danbayntii wacad ku martay in Kenya maydadka dhalinyarada loo celin doono haddii ay u soo dirto gudaha Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: