Xarakada Alshabaab maamul cusub u dhistay Degmada Ceel-Waaq Ee Gobolka Gedo.
Bartamaha(Ceel-Waaq):-Xarakada Alshabaab ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday maamul cusub oo ay yeelanayso Degmada Ceel-Waaq Ee gobolkaasi Gedo iyadoo maamulka cusub ay ku dhawaaqeen nabad galyo iyo wada shaqeyn.
Kooxda Alshabaab Ee Gobolka Gedo oo kulan ku yeelatay Ceel-waaq ayaa waxa ay ku magacaabeen maamul cusub oo ka shaqeynaya Degmadaasi si bulshada ay raali iga noqdaan.
Gudoomiyaha maamulka ayaa laga dhigay Aadan Cadoow Axmed oo horey xilkaasi uga hayay Ceel-waaq iyadoo la magacaabay xubna kale oo la shaqeeya masuulkaasi kuwaasi oo badankood ka tirsanaa saraakiisha Deegaanka ku sugnayd.
Madaxa Arimaha Bulshada ayaa waxaa loo magacaabay Cusmaan Koofi Cali halka madaxa Ammaanka laga dhigay Faarax Maxmed Xiish kuwaasi oo ah masuuliyiin ku cusub xilka madaxnimada maamulka.
Masuuliyiinta maamulkaasi ayaa waxa ay shacabka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan iyagoo sheegay in xagga amaanka ay wax badan ka qabandoonaan islamarkaana xaalada guud ee degmada ku samaynayaan xagga deres wanaagana ay ka shaqeyndoonaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments