Xarakada Alshabaab iyo Kooxda Xizbul Islaam oo hambalyo iyo amar u jeediyay Shacabka reer Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayaa maanta siyaabo kala duwan u jeediyay Hambalyo maalinta Ciida iyo amar ku wajahan dukashada  Salaada Ciidaul Adxaa.
Sheekh Cali Maxamud Xuseen Waaliga Wilaayada Alshabaab Gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu fariin hambalyo iyo digniin ah u jeediyay dadka reer Muqdisho.
Waaliga ama Gudoomiyaha Alshabaab Muqdisho ayaa waxa uu sheegay  in ay Bulshada ugu hambalyeynayaan Ciida Carafo isagoo Shacabka u sheegay in la dukanayo Saalada Ciida si Jamaaca ah meelo gaar ahna ay u diyaariyeen.
_Dadka ku dhaqan Degmooyinka Hodon,Howl-wadaag iyo Wardhiigley waxaa lo
asteeyay in ay ku dukadaan Stadiom Muqdisho.
_Dadka ku dhaqan wadada Warshadaha,Ex-Control,Waxar-Cadde iyo Suuqa Xoolaha waxa ay ku dukanayaan Masjidka Sheekh Cali Diyaar.
_Dadka ku nool Shibis,Boondheere,C.Casiis iyo kaaraan waxa ay ku dukanayaan Fagaara ku yaala Kaaraan.
_Dadka ku dhaqan KM.13,dayniile illaa Garsbaaley waxa ay ku dukanayaan Deegaanka Tiida Dayniile.
Dhanka kale Kooxda Xizbul Islaam ayaa dhankeeda Hambalyo u dirtay Bulshada Muqdisho iyadoo ay calaamaysatay meelaha lagu dukanayo Saalada Ciida gudaha Magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Xigeenka Xizbul Islaam Gobolka Banaadir Sheekh Ibraahim Barre Cismaan oo dhankiisa Saxaafada Muqdisho la hadlay ayaa waxa sheegay in Masaajida yar yar la xerayo Saaladana lagu dukanayo gobo gaar ah.
Xizbul Islaam ayaa in Salaada lagu dukado u Calaamaysay Saldhiga Yaaqshiid,Xarunta Degmada Huriwaa iyo Waxar Cadde oo dhammaan ay ka taliyaan maleeshiyaadka Xizbul Islaam.
Dadka Caasimada ku nool ayaa ka wardhowraya sida birito loo dukado xilli la isweydiinayo goobaha la doonayo in Salaadaha lagu dukado taasi oo culeys abuuri karta maadaama la sheegay in la xerayo Masaajida.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments