Xamaaliin Kismaayo lagu xidhay
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa mudo ku siman afar maalmood la la’ yahay ku dhowaad 60 nin oo ka xoogsan jiray dekeda magaalada Kismaayo kuwaasoo ay qafaaleen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab toddobaadkan bilawgiisa.
Wararka ayaa sheegaya in raggaasi ay xireen saraakiisha Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose iyagoo geeyey meel aan la sheegin oo ka baxsan magaalada Kismaayo, siday sheegeen qaar ka mid ah ehelada ragga xoogsatada ah ee la kaxaystey.
Lixdankaasi nin ayaa u badnaa dhalinyaro xamaali ahaan uga shaqeyn jirey dekeda oo halkaasi nolol maalmeedkooda ka raadsan jirey waxaana la sheegay inqabashooda looga shakiyey ololaha Al-Shabaab ay beryahan dambe dhalinyarada ugu qaadeysay goobaha dagaalka.
Ehelada ragga la kexeystey oo qaarkood u waramay ayaa sheegay in markii ugu war dambeysay loo qaadan dhanka Dhoobley oo dgaalo culus toddobaadyo ka hor ku dhexmareen ciidamada DKMG iyo kuwa Raskambooni oo wadajira iyo kuwa Al-Shabaab.
Ma cadda in raggan la waayey ee xoogsatada ahaa dagaalka si toos ah loo gwlinayo oo ay Shabaab doonayaan inay ku dagaalamaan balse waxaa walaac aad u weyn uu ka imaanayaa waalidiintooda oo la sheegay in maalmihii la soo dhaafey ay u dacwoodeen saraakiisha Shabaab ee ku sugan Kismaayo oo ay ku wargeliyeen in wiilal ay ka maqan yihiin hase ahaatee illaa hadda ma jirto wax jawaab ah oo ay heleen.
Bartamaha
Xafiiska wararka
Comments
comments