Xalka loo tartamayo: Ka tanasulidda Jiritaanka “Soomaaliyaâ€
Maajo 24, 2010
Xalka loo tartamayo: Ka tanasulidda Jiritaanka “Soomaliyaâ€
Waxaan horey uga hadlay baadigoobka Nabadda iyo Dhismaha Dowlad Soomaliyeed. Sidaas oo kale, Prof Michael Weinstein oo wax ka dhiga Jaamacadda Mareykanka-Purdue University, si joogto ahna u falanqeya Arrimaha Soomaliya ayaa qoray labo maqaal oo muhiim ah. Prof. Michael Weinstein wuxuu soo jeediyay abaabulka “Dhaqdhaqaaq Labaad ee Gobannimadoonka Soomaliya†si loo badbaadiyo Qaranka Soomaliyeed. Hase yeeshe, ifaafalaha muuqda wuxuu yahay in xalka dhibaatada Soomaliya ee loo tartamayo yahay ka tanasulidda jiritaanka iyo sheegashada magaca, diinta, dowladnimada iyo dalka Soomaliya.
Soomaliya oo la’ jiheeye “Leadership†u dhigma kii Ciidammada Ruushka kala hareen dhallinyaradii Soomaliyeed kaddibna ku layday Badweynta, waxay baylaha u noqotay xukuumado keli talisyaal ah iyo Maafiyo caalami ah. Soomalida iska laheyd dalka waxay u qaybsantay kuwo isku qanciyay in qabilkooda noqon karo Qaran cusub; kuwo sheegtay inay ka mid yihiin Islaamiyiin caalami ah oo aan la aqoon haybtooda, deegaankooda iyo hogaankooda, laguna tilmaamay xag jir; Soomali ka mid noqotay Isbaheysiga Caalamiga ah ee la dagaalanka Islaamiyiinta lagu tilmaamay xag jirka; Soomali ku takhasustay afminshaarnimo, dillaalnimo iyo burcadnimo; iyo Somali ku tabaaleysan dalka gudihiisa iyo xeryaha Qaxootiga oo talo iyo tabar beeshay.
Waxaa caado noqotay in la dhalliilo colaada iyo nidaam la’aanta ka taagan Konfurta Soomaliya taaso ah xaqiiqo jirta, hase yeeshe waxaan la isweydiin natiijada itijaaha gooni u socodka iyo kala daneysiga ay doorteen mujtamacyada ku nool Bariga iyo Waqooyiga Soomaliya. Colaadihii iyo is-qoonsigii dhexmaray qabaa’iilada qaarkood waxay abuureen dareen ah inay adag tahay in Soomali heshiiso oo xal loo helo sababihii asaaska u ahaa burburka Soomaliya taaso waddada u xaareysa in laga tanasulo sheegashada magaca iyo dalka Soomaliya. Itijaahaas waxaa gacan siiyay kooxaha Islaamiyiinta aan la aqoon dadka iyo dalka ay matalaan iyo danaha ay u adeegayaan oo shaki weyn laga qabo.
Marka loo kuurgalo qiimeynta xaaladda Soomaliya waxaa soo baxaya laba sawir. Qiimeynta koowaad waxaa sameya hay’adaha ay ka mid yihiin UNPOS, AU, Diblomaasiyiin, IGAD, DFS (Dowladda Federaalka Soomaliya), AMISOM iyo Koox dhaqaale-jago doon ah (oo isug jirta Ajnabi iyo Soomali), kuwaaso ku andacoonaya in DFS sameyneyso horumar, sharci tahay, waxayna si joogto ah uga codsanayaan Beesha Caalamka taagero dhaqaale. Qiimeynta labaad waxaa sameya Hay’adaha Qarammada Midooday sida UNDP, WFP, UNHCR, UNICEF, Guddiga Cunaqabateynta ee Qarammada Midoobay (UN Monitoring Group), Hay’adda Ilaalinta Xuququl Insaanka sida Human Rights Watch iyo Amnesty International, Wariyayaasha iyo Khubarada Caalamiga ah, Ururka Bisha Cas iyo Shacabka dhibaateysan ama barakacay, waxayna isku raacsan yihiin in DFS tahay Dowlad musuqmaasuq ah, aan wax qaban karin, cidna matalin, laheyn istratejiyad nabaded, ku xadgubudta xuquuqda mawaadiniinta Soomaliyeed, ku kooban deegan (Green Zone) Ciidammada AMISOM difaacaan; hadal kooban in jiritaanka DFS uga daray xaaladda Soomaliya. Kooxdaan waxay soo jeedineysa in laga noqdo ama laga fiirsado taagerada DFS. Qiimeynta labaad ayaa ku saleysan xaqiiqada dhabta ah.
Ka been-sheegidda xaaladda iyo dareenka dadka iyo dalka waxay marin habaabisay xalka Soomaliya. George Orwell wuxuu yiri: “qiima-dhaca hadalka ayaa sabab u ah qaska iyo jaahwareerka siyaasadda, waxaana wanaag ku imaan karaa ayadoo marka hore la hagaajiyo hadalka (Political chaos is connected with the decay of language… one can probably bring about some improvement by starting at the verbal end.)â€
Hadallada hadoofka waxaa ka mid ah: “wax walba waxay u socdaan sidii loogu tala galayâ€, “Waxaan rabnaa Federaal hase yeeshe waxaan sameysaneynaa calan, dastuur iyo dowlad gaar noo ahâ€, “DFS iyo Mucaaradku guulo ayey gaareen marka la xasuuqo dad masaakiin ah oo rayad ahâ€, “AMISOM ma xasuuqin Muwaadiniin Soomaliyeed,†“DFS waa Dowlad Beesha Caalamku ictiraafsan tahayâ€, “Ethiopia ma joogto ama kama taliso Soomaliyaâ€, “Muslim Ajnabi ah waa Soomali, Muslim Soomali ah waa Gaalâ€, “Islaamiyiinta Al Shabab iyo Xisbul Islaam ayaa qabsanaya dalalka Geeska Afrika iyo Mareykankaâ€, “DFS ayaa mataleysa Soomaliyaâ€, “waxaan dhowraya ama difaacaya ku dhaqanka Sharciga, diinta Islaamka iyo danta ummadda soomaliyeed- oo ah Awr kacsi, iidheh ama daneysi gaar ah.â€
Waxaa aad u kala fog waxa lagu andacoonayo iyo xaqiiqada Shacabku qabo. Musuqmaasuqa hantida Shacabka, Heshiisyada sharcidarrada oo maalin kasta la galayo iyo Habka qorista ciidammada dowladda, shaqaaleynta iyo magacaabidda xilalka Dowladda ka soo horjeeda cadaaladda iyo nidaamka dowladeed waxay tusaale u yihiin ku tumashada bareerka ah ee Axdiga KMG iyo sharciyada kale. Wareysi uu siiyay Idaacadda BBC, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu daboolka ka qaaday Maamulxumada iyo xadgudubyada Wasiirrada DFS ku hayaan Madaxbannanida Garsoorka.
Mujtamaca Soomaliyeed ma rumeysna riwaayadaha la jilayo. Waxaa mudan hambalyo iyo ammaan Amiin Caamir Farshaxanka Caanka ah oo si joogta ah u tilmaama munaafaqnimda iyo fadeexadaha Madaxda Soomaliyeed iyo Beesha Caalamka iyo dacdarrada iyo dareenka rajoxumo ee Shacabweynaha Soomaliyeed ku sugan yahay. Fiiri 5ta sawir ee cinwaankoodu hoos ku qoran yahay. Hay’adaha DFS intooda badan kama hadlaan waxyaabaha dhacaya maalin kasta oo ay mas’uulka ka yihin, halka ay ka hadlaan ama ku dhex jiraan hawlo aysan wax shaqo ah ku laheyn, waxaana hay’adahaas ka mid ah Maaliyadda, Lacagta, Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Arrimaha Gudaha, Gaashandhigga iyo Amniga.
Is qabqabsiga iyo jaahwareerka ka dhex aloosan DFS oo ah Dowlad “magac u yaal ah†waa qas ay ka dambeyso ujeedooyin laga welwelo. Sida wararka xog-ogaalka sheegayaan, qaska socda waxaa horsed ka ah Wasiirka Maaliyadda, Mudane Sharif Xasan Sheikh Aden oo “xareystay 320 xildhibaanâ€Â si barqa cad xilka looga eryo Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Sheikh Adan Maxamed Nuur ‘Adan Madobe’ hab ka baxsan Axdiga KMG iyo xeer-hoosaadka Barlamaanka, kaddibna asaga ama cid uu wato laga dhigo Guddoomiyaha Barlamaanka. Ila kala duwan waxay sheegayaan in Golaha Wasiirrada ka wada hadlay iskuna waafaqay shaqo ka eryidda Guddoomiyaha Barlamaanka taaso ka soo horjeeda Axdiga KMG, tusaale xun u ah siyaasadda Soomaliya.
Waxaa ah Sir furan in Shilin Soomali been abuur ah oo dhowaan dalka la keenay laguna qiyaasay ilaa $ 6 milyan doolar iyo Dakhliga Dekedda loo adeegsaday shaqo ka eryidda Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka iyo doorashada Guddoomiyaha cusub. Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxda Bankiga Dhexe kama hadlin lacagtaas been abuurka taaso muujineysa baaxadda isku kalsoonida sharci tumashada Mas’uulinta DFS inakstoo Guddiga Barlamaanka u xilsaaran ilaalinta hantida Qaranka uu ka codsaday Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Hay’adda Hanti-Dhowrka iyo Hay’adaaha Socdaalka in Wasiirka Maaliyadda iyo Xubno kale laga joojiyo safarka dibedda eedeymo la xiriira Musuqmaasuq darted, warkaaso lagu faafiyay warbaahinta.
Marka la darso taarikhda Zig-Zaaga iyo shirqollada siyasadeed oo ku saleysnaa daneysi shakhsi ee Wasiirka Maaliyadda ku soo shaac baxay iyo xatooyada iyo ku takrifalka awoodda siyaasadeed ee dhacay 15 biloodkii la soo dhaafay, saadasho waxay u eg tahay rajo beel iyo quus. Waxgaradka Soomaliyeed waxaa la gudboon inay ka dhiidhiyaan kana hortagaan xadgududyada soo socda sida u adeegidda dano shisheeye, awood kororsi, maamulxumo iyo xatooyo ka daran tii Guddiga Cunaqabateynta ee QM kashifay.
Si loo badbaadiyo Soomaliya, waxaa loo baahan yahay adeegsiga oraah (language) rasmi ah oo si dhab ah uga tarjumeysa taarikhda, dareenka iyo xaaladda dhabta ah ee dadka iyo dalka Soomaliya ku sugan yihiin. Sharci ahaan, Beesha Caalamka ma aqoonsana DFS. Golaha Ammaanka ayaa mas’uul ka ah Soomaliya. Afartii biloodba, Xoghayaha Guud ayaa ka warbixiya xaaladda Soomaliya.
Dalabka taagero dhaqaale ee Mas’uulinta DFS ku celcelinayaan wuxuu muujinaya waayo aragnimo iyo xishood la’aan waayo sharciyada Dowladaha deeqda bixiya ayaa diidaya in Maaliyad la siiyo dowlad magac u yaal ah, isla markaana laheyn maamul rasmi ah (functional Public Administration) oo lala xisaabtami karo. Shacabka Soomaliyeed wuxuu u baahan yahay hogaan “Leadershipâ€Â gaarsiiya dhismaha Xukun Dowladeed oo haysta kalsoonida Shacbiga “ Legitimate Authorityâ€. Xalku wuxuu ku jira Dhaqdhaqaaq Shacbi oo hadafkiisu cad yahay.
Dr. Maxamud M Culusow
[email protected]
Comments
comments