Xafladii Furintaanka Koobka Aduunka (Daawo Sawirada).
Koobka aduunka oo markii ugu horeeysay ay marti galineeyso Qaarada Afrika ayaa ka furmay magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Africa.
Koobka aduunka oo afatii sanaba mar la dhigo balse sanadkan Marti u ah Qaaradda Africa ayaa la filayaa in ay guulo ka keenaan xulalka Africa matalaya.
Xafaladi Furitaanka waxaa ka koob jooo ka ahaa Madaxwaynaha dalka South Africa Jacob Zuma iyo Madaxwaynaha dalka Mexico Felipe Calderon iyadoo sidoo kalle uu goob jooog ka ahaa Madaxwayne ku xigeenka dalka Mareekanka Joe Bidden.
Waxaa la filayay in uu yimaado Madaxwaynihii hore ee dalka South Africa Nelson Mandale balse tacsi ku timid familkiisa ayuu kaga baaqday furitaanka koobka aduunka kadib markii ay shir gaari ku geeriyootay gabadha uu u yahay Abkoowga laguna magacaabo Zenani Mandela oo ah 13 jir.
Ciyaartii furitaanka oo lagu qabtay garoonka Soccer city stadium ee magaaladda Johannesburg waxaa ka soo qeyb galay dad ka badan 90,000.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Sawiro dheeraad ah Halkan ka daawo.
Comments
comments