Xaflad lagu soo dhoweynayo Labo Saxafi oo dhawaan laga soo daayey Xabsi ku yaala Magaalada Mombasa
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabisay Ururka SOJYO iyo weliba ururada kale ee suxufiyiinta ee ka jira dalkani Kenya ayaa waxa uu ahaa mid lagu soo dhoweynayey 2 Wariye oo dhawaan iyaga laga soo daayey Xabsi ku yaala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya kuwaasi oo kala ah Wariye Sacid C/lahi Kulmiye (Nadara) oo isaga ah Wariye ka tirsan Tvga Madaxa banan ee HORN CABLE TV iyo weliba Wariye Feysal Maxamed Caseyr oo isaga ka tirsan Wariyayaasha Tvga SOMALICHANNEL TV iyadoona ay ka soo qaybgaleen Ururada Suxufiyiinta ee ka jira dalkani Kenya Madax ka socotay Safaaradda Soomaalida ee Dalkani Kenya, saraakiil ka socotay Hay,adda Yaxye Condition iyo weliba ururada bulshada intooda kale.
Ugu horeyntii waxaa nadasha xaflada daaha ka rogay islamarkaasina ka hadlay xariga wariyayaashini iyo weliba waxyaabihii ay kala kulmeen mudadii ay ku xirnaayeen Xabsiga Magaalada Mombasa Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee Mudane SOJO Maxamed Faarax waxaana ugu horeyntii uu sheegay in uu mahada iska leeyahay Eebbe isagona tibaxay in ay ka dalad ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin soo deynta labadani wariye.
[slidepress gallery='xaflad-lagu-soo-dhoweynayo-labo-saxafi-oo-dhawaan-laga-soo-daayey-xabsi-ku-yaala-magaalada-mombasa-o']
Sidoo kale waxaa xafladani ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qurbajoogta Mr C/sataar Daahir Samriye oo isagana shegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin soo deynta saaxibadoodan isagoona tibaaxay in ay si weyn uga wel wel sanayeen mudadii ay xirnaayeen wariyayaashani.
Waxa isna ka hadlay xafladani lagu soo dhoweynayey labadani suxufi Gudomiyaha Dalada Suxufiyiinta Soomaaliyeed Mudane C/qaadir Cilmi Ciise (Onosti) oo isagana soo dhoweyey wariyayashani xuriyadooda dib u helay isagona u mahadceliyey Hay,ada UNHCR oo uu tibaxay in ay ka qaybqadatay so deynta labadani wariye.
Xafladani oo lagu soo dhoweynayey labadani wariye oo qaadatay wakhtigii loogu talogalay ayaa waxaa halkaasi ka hadlay u Qaybsanaha Safaradda Soomaaliya ay ku ledahay Dalka Kenya Dhinaca Arimaha Bulshada Mudane Abdisitar Xasan Cali isagona shegay in ay soo dhoweynayaan ka safarad ahan waxana uu shegay in ay safaradda ka qeybqaadatay soo deynta wariyayaashani islamarkaasina dadaal dheer u gashay ka safaarad ahaan sida uu hadalka u dhigay.
Uguda danbeyntii Waxa ay suxufiyiintani dood dheer kadib halkaasi ku soo bandhigeen baaq kuwaasi oo ka koobnaa qodobada hoos ku qoran
1. In ay suxufiyiinta Noqdaan kuwo iskuduuban.
2. In Bulshada ay ilaaliso xaqa Suxufiyiinta
3. Saxafiyinta ku dhaqan dalalka Shisheeye in ay ku da,daalaan helista Sharciga wadanka ay joogaan.
4. Hay,adaha Qaxotiga iyo weliba kuwa u dooda suxufiyinta in ay ilaaliyeen Xuquuqda Saxafiyiinta .
Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail [email protected]
Nairobi Kenya.
Comments
comments