Calendar

Xaflad Abaalmarin lagu siinayay Wariye Olad oo Boston ka dhacday (Daawo Sawirada).

Nieman FoundationBartamaha (Boston):-Xaflad Si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen Ardayda iyo maamulka Jaamacada Harvard iyo Qeybta saxaafada ee Naiman Foundation ee Dalka Mareykanka ayaa  lagu qabtay Hall-ka Jaamacadaasi.

Xafladan ayaa Abaalmarin lagu gudoonsiinayay Wariye Mohamed Olad Hassan oo ka tirsan Idaacada BBC laanta Dunida la hadasha ee World Service ahna Qoraa Wakaalada Wararka ee Associated Press.

Maxamed waxa uu noqday wariyaha Sanadka 2011 Nasiibka u yeeshay in loo garto wariyaha ugu geesisan sanadka 2011 iyadoo ay xusid mudantahay in shaqsiyaadkii la tartamay ay ka mid ahaayeen gabar wariye ah oo wadanka Colombia u dhalatay taa oo xaalado qatar ah ku wajahday dhibaatooyin iyo xasuuqyo dowlada wadankaasi ku kaceen, iyo sidoo kale Wiil Irani ah oo isna dhowr jeer xabsi la dhigay ugu danbeyna doorashooyinkii wadankaasi ka dhacay sanadkii tagay uu ku muteysatay xabsi kaa oo ilaa hada uu ku jiro.

Abaal marinta waxaa lagu magacaabaa Louis M. Lyons Award. goobtii xaflada Ka dhaceysay waxaa soo xaadiray shaqsiyaad lagu tixgaliyo Saxaafada dunida.

ugu horeyn waxaa goobtii hadalo ka jeediyay Maxamed colaad oo cabirayay dareenkiisa iyo sida uu u arko abaalmarintan lagu gudoonsiiyay geesinimada iyo waxqabadkiisa Soomaaliya mudadii uu ku jiray badweynta Saxaafada.

Maxamed waxa uu ku dheeraaday sharaxaad uu ka bixinayay dhibaatada heysata wariyayaasha soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan iyo qaarka dibada usoo firxaday gaar ahaan kuwa ku sugan wadamada dariska la ah soomaaliya sida  Ugandha, Jabuuti iyo wadanka kenya oo ay wariyayaasha ugu tirada badan joogaan.

“In aad somalia wariye kasoo warama noqoto waa arin u dhaxeysa Nolol iyo Geeri. Markasta qatar ayaad ku jirtaa. ma garaneysid cida cadawga kuu ah” ayuu yiri maxamed oo ku labisnaa dhar Suit calanka Somalia ah taa oo muujineysa wadaniyada iyo dal jacelyka maxamed.

Maxamed waxaa lagu naaneysaa Codka Codlaawashaa, magacanna waxaa la siiyay kadib markii uu in badan ka hadlay dhibaatada dadka soomaaliyeed heysta.

“Wariye Soomaaliya jooga waa inuu geesi yahay. ma ahan ganacsi, laakin waa shaqo qatar ah” ayuu maxamed hadalkiisa sii raaciyay.

Maxamed waxa uu sheegay, in uu noqdo saxafi inay aheyd waxa uu ku taamayay tan iyo caruurnimadiisi ugu danbeynna uu ku guuleystay. sanadkii 2001-dii waxa uu wax ku qori jiray wargeyska Xog-ogaal ee muqdisho kasoo bixijiray. 2002-dii waxa uu madax u noqday wariyaasha idaacada iyo Taleefashinka STN ee Muqdisho.sanadkii xigayna waxa uu ka howlgalay taleefashinka iyo idaacada Horn Afirk isagoo isla sanadkaas ku biiray Idaacada BBC iyo wakaalada wararka ee Ap oo uu ilaa hada u shaqenayay.

Sanadkan 2010  waxa uu ku guuleystay abaal marinta Abbot Award ee ay bixiyaan baarlamaanka dalka Ingriiska.

Maxamed Colaad hada waa Gudoomiyaha KMG ah ee Xiriirka Saxafiyiinta Soomaaliya, baryihii ugu danbeeyay waxa uu waday dadaalo uu ku mideynayo saxafiyiinta soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibadiisa iyo gudahiisaba isagoo safaro badan oo uu dalka dibadiisa ugu baxayna uu wada tashiyo iyo talooyin kaga aruurinayay wariyaasha dibada ku sugan iyo rugcada yaasha saxaafada soomaliya oo uu kala tashanayay mideynta saxaafada soomaaliya iyo sidii looga bixi lahaa Dhibaatada wariyayaasha heysta.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay James M. Fallows oo si gaar ah loogu casuumay in hadal uu ka jeediyo Xaflada, James M. Fallows 70 jir rugcadaa Saxaafadeed waxaana uu ka tirsanyahay wargeyska The Atlantic ee Dalka Mareykanka.

James M. Fallows, waxa uu amaanay waxqabadka iyo geesinimada  Maxamed Colaad uu kaga soo waramayay dalka dagaalada ay halakeeyeen ee soomaaliya waliba xilli wariyayaasha soomaaliyeed ay wajahayaan xaalado qatar ah oo iyaga la bartilmaamedsanayo.

Ugu danbeyn waxaa halkaasi shahaadada Abaalmarinta Louis M. Lyons Award goobtii ku gudoonsiisay Gwen Thompkins, oo ah Wariyaha Bariga Africa ee  Radiyaha NPR kana mid ah Ardayda  2011 ee Nieman.

Nieman Fellow waa Mashruuc waxbarasho oo mudo sanad ah socda oo ay Jaamacada Harvard siiso wariyayaasha ka shaqeeya wakaalaadaha iyo taleefashinada  ugu caansan Dunida waxaana Gwen Thompkins loo doortay inay abaalmarinta maxamed siiso madaama ay bariga afrika ka shaqeyso.

Daawo Sawirada:-

Nieman Foundation

Nieman Foundation

Nieman Foundation

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Diaspora, Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: