Xafiiska Sheekh Shariif oo Heshiis Hoose la galay Hiiraan Online si ay ugu faafiyaan Dacaayada Sheekh Shariif Qurbaha (Caddeyn)
Warbaahinta RBC ayaa heshey nuqul ka mid ah heshiis hoose oo ay wada galeen xafiiska madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo shabakada Hiiraan Online oo ka mid ah shabakadaha wararka ee Soomaalida.
Heshiiskaasi oo sida ku xusan nuqulka dukuminga la saxiixay 1-dii February 2010Â waxaa uu dhigayaa in shabakada Hiiraan Online oo uu madax ka yahay Axmed Gure ay kala shaqeyso xafiiska madaxweynaha arimo ku saabsan faafinta ujeedooyinka madaxweynaha si gaar ah.
Waxaana Axmed Guure iyo shabakadiisa loo xilsaaray inay xafiiska Shiikh Shariif ka caawiso propogandada dhinaca jaaliyada Soomaalida ee qurbaha taasi oo dabcan noqoneysa in shabakadu ay si gaar ah ugu adeegto una fuliso danaha madaxweynaha.
Ma aha wax lala yaabo in xayeysiin loo sameeyo shirkad ganacsi ama hay’ad dhaqaale doon ah, hase ahaatee waxaa su’aal ka taagan tahay xayeysiin u sameynta shakhsi gaar ah oo weliba xil umadeed huwan, taasi oo marka dhinac laga eego noqon karta fulinta ujeedooyin daahsoon oo aysan ka marneyn daneysi gaar ah.
Sidoo kale waxaa tanoo kale ay dhumin kartaa heerka dhex dhexaadnimo ee warbaahin noocaasi oo kale halkii ay bulshada kalsooni ku qabi lahayd.
WAXAA WARQADAASI AY U QORAN TAHAY SIDAN:
Caddeyn adeega Axmed Gure ee www.Hiiraan.com
Waxaan halkan ku bogaadineynaa kuna soo dhaweynayaa adeega uu hayo Axmed Gure (www.hiiraan.com) isagoo qeyb ka ah kooxda war isgaarsiinta ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya., si gaar ahna loogu xilsaaray ujeedada warfaafineed ee khuseyneysa fikradaha jaaliyadaha.
Sida laga filayo waxaa uu Axmed Gure wax ka qaban doonaa ka shaqeynta danaha xafiiska madaxweynaha isagoo hawshiisa u fulinaya sida loogu talagalay. Waxaa uu Axmed Gure (www.hiiraan.com) ka qeybqaadan doonaa fududeynta agendayaasha uu dejiyo agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha Mr. Abdirashid Khalif Xashi.
Waxaa qarqadan la saxiixay ayna dhaqangashay 1-dii February 2010.
Comments
comments