Xafiiska Madaxweynaha oo beeniyay Qoraal ku aadan kala dirida Baarlamanka
Bartamaha (Muqdisho):- Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa toos u beeniyay warar sheegayay in Baarlamanka la kala dirayo taasi oo ku daabacnayd qoraal laga soo xiganayay madaxweynaha oo la faafiyay shalay.
WAR-SAXAAFADEED:-
Jamhuuriyadda Soomaaliya Madaxtooyada Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Agaasinka Warfaafinta |
|
جـمـهـوريـة الصــومــال الرئاسة مدير مكتب الرئيس دائرة الإعلام
|
Republic of Somalia
The Presidency
Office of the Chief of Staff
Directorate of Communications
JS/XM/DOC/ 425 /011 Date: 01 / 30 /2011
Warsaxaafadeed
Ujeedo : Ka Jawaabid Qoraal Been Abuur ah.
Waxaa nasiib darro ah iyadoo xaaladda soomaaliya ay marayso meel aad u adag oo ubahan in lagula tacaalo xikmad, iyo xilkasnimo masuuliyadeed in saxaafadda Soomaalida qaarkeed ay qoraan qoraallo been abuur ah oo lagu kala fogeynayo dowladda qeybaheeda kala duwan iyo weliba shacabka Somaaliyed.
Waxaa maalmahan laysla dhexmarayay hadallo kutiri-kuteen ah oo sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed uu kala dirayo Golaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliiyeed, hadalkaas oo ah mid aan sal iyo raad toona laheyn , looguna talagaly in khilaaf iyo fidno laga dhex abuuro heyadaha Qaranka.
Haddaba, Xafiiska Madaxweynuhu waxaa uu halkaan ku caddaynayaa in uu Madaxweynaha Soomaliya u taaganyahay ilaalinta sharciga iyo ixtiraamka Golaha Barlaamanka , isla markaana uu qadarinayo ahmiyadda uu Golaha barlaamaanku u leeyahay jiritaanka Qaranimada Soomalaiyeed.
Waxaa uu sidoo kale Madaxweynuhu ugu digeyaa bahda saxaafadda qarkeed ee caadeysatay faafinta hadallo xaqiiqda ka fog in ay ka wantoobaan faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo alaaaba huriya khilaaf, fidno iyo khalkhal siyaasadeed.
Agaasimaha Warfaafinta
XafiiskaMadaxweynaha
Villa Somalia
Mogadishu, Somalia
Comments
comments