Xabsiyada Dalka Liibiya oo laga sii daayay Maxaabiis Soomaali ah oo halkaasi ku xernayd.
Bartamaha (Muqdisho)Â Xabsiyada Dalka Liibiya ayaa laga sii daayay Maxaabiis Soomaali ah iyadoo lagu maamuusay munaasabada Madaxweyne Qadaafi.
Xabsiyada Dalka Liibiya ayaa laga soo daayay in ka badan 250-Maxaabiis Soomaali ah kuwaasi oo in muddo ah ku xernaa Xabsiyada Dalka Liibiya iyadoo aanay jirin wax Maxkamada ah oo la soo taagay Maxaabiistaas.
Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Xabsiyada laga sii daayay ayaa badankood ahaa dhalinyaro tahriibayaal u badan oo xiligan si rasmi ah uga baxay gacanta Ciidamada taasi oo la tilmaamay in lagu soo dhaweynayo Sanad guurada 41-aad Ee Madaxweyne Mucamar Al-Qafaadi
Qaar ka mida Maxaabiistii la si daayay ayaa waxa ay sheegeen in ay u yimaadeen madax ka mida Dalkaasi islamarkaana u sheegeen in uu cafsi u fidiyay Madaxweynaha Dalkaasi.
Maxaabiistan la sii daayay ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya ay ku suganyihiin Dalkaasi oo aan inta badan isku howlin sii daynta Maxaabiista Soomaaliyeed.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somlalia
Comments
comments