Calendar

Xaaladda Degmada Beled xaawo oo Saakay kacsan kadib markii Xalay….

Beled-Xaawo 1

Xaaladda Degmada Beled xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa Saakay kacsan kadib Duqeymo xalay ka dhacay Qeybo ka mid ah Degmada Beled Xaawo oo ay gacanta ugu jirto Dowladda FKMG Soomaaliya.

Dagaaladii Xalay ka dhacay Degmada Beled xawo ayaa ku dagaalamay Ciidamada Dowladda FKMG iyo Kooxihii Deegaanka horay looga qabsaday Ee Shabaab.

Madaafiic aysan u meel dayan Mucaaraadka Shabaab ayaa xalay kusoo weeraraan Deegaankii horay looga qabsaday Ee Beld xawo laakin waxaa Madaafiicdan ka jawaabay Ciimada Ahlusa Waljameeca oo garab ka helaya Cidamada dowladda.

Wararkii ugu danbeeyay Ee  ka imaanaya Deegaanada Beled Xawo Ee Gobolka Gado oo ay  gacanta ugu jiraan Ciidmada Dowladda iyo Kuwa Ahlusna Waljameeca oo si garabsanaya  ayaa tibaaxaya in xalay Madaafiic kusoo tuureen Mucaardaka Shabaab islamrkaan aan wax qasaaro ah kasoo gaarin Cidimada sugaya amniga Gobolka Gedo.

Sikastaba ha ahaatee lama oga qasaaraha ay gaysteen madaafiicda Shabaab ay ku weerareen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxaana had iyo jeer la filayaa inuu dagaal xoogan dhex maro Kooxaha u halgamaya Dowladda iyo Meleshiyaadka Shabaab.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: