Xaalada Muqdisho oo saaka dagan ka dib dagaalo dhimasho iyo dhgaawac sababay oo xalay ka dhacay caasimada.
Bartamaha Muqdisho Xaalada guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xasiloon ka dib markii dagaalo iyo duqeymo ay dad ku dhinteen maalmahaan ka socday Magaalad Muqdisho ee Caasimad Soomaaliya.
Wadooyinka Magaalada ayaa waxaa dib uga howl-bilaabay gaadiidkii dadweynaha iyadoo xaalada ay u muuqato mid xasiloon iyadoo ay soo baxayaan qasaarihii shacabka xalay dagaalada ka soo gaartay.
Inta la ogyahay waxaa geeriyootay 4-ruux halka dhaawac ahaan ay soo gaareen ku dhawaad 10-ruux oo dhammaantood ah dad shacab ah kuwaasi oo madaafiicda iyo rasaasta xaafadahooda ay kula dheceen.
Inta badan dagaalada magaalada ka dhaca ayaa waxa ay yihiin kuwa shacabka qasaaraha loo qoray islamarkaana aan wax la iska weydiin dhibaatada shacabka ka soo gaarto dagaalada .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments