Calendar

Xaalada Muqdisho oo saaka dagan ka dib dagaal qaraar oo xalay ka dhacay

muqdisho,newBartamaha(Muqdisho):-Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa ah saaka mid xasiloon ka dib dagaalo dhimasho iyo dhaawacyo sababay oo xalay ka dhacay Xaafado ka mida magaalada Caasimada ah.

Xaalada wadooyinka ay xalay dagaalada ka dheceen Ee Muqdisho ayaa ah kuwa xasiloon halkaasi oo si caadi ah ay uga bilowdeen dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka wadooyinkaasi.

Dagaaladii  xalay ayaa ahaa kuwa qasaara xoogan u geystay dad rayid ah kuwaasi oo xiligii afurka madaafiic laga dul bilaabay taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac shacabka so gaaray.

Inta la ogyahay dagaaladii xalay Muqdisho looga afuray ayaa waxa uu sababay dhimashada 6-ruux iyo dhaawaca 17-kale kuwaasi oo badankood ah dad rayid ah oo madaafiicda ay xaafadahooda ugu tageen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: