Xaalada Muqdisho oo saaka dagan ka dib dagaal iyo duqeymo xalay ka dhacay.
Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal qaraar oo Xalay ka dhacay Xaafado ka mida Magaalada.
Xaalada Wadada Warshadaha ayaa xasilooni ku soo laabatay markii Xalay uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidanka Amisom iyo Xoogaga Mucaaradka.
Dagaalka Xalay ka dhacay Jidka Warshadaha ayaa waxaa barbar socday duqeyn ba’an oo loo geystay Xaafado ka mida Degmada Dayniile.
Xaafadaha la duqeeyaya ayaa waxaa ka mida Raadeerka iyo dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga halkaasi oo ay daganyihiin Xoogaga Alshabaab.
Qasaaraha dadka shacabka ah ka soo gaaray dagaalka iyo duqeynta xalay dhacday ayaa sii badanaysa iyadoo 6-qof oo dhaawac ah la geeyay isbitaalka Dayniile.
Shalay galinkii danbe ayaa sidoo kale Xaafado magaalada ka mida waxa ka dhacay duqeyn ba’an iyadoo dad badan ay ku nafwaayeen duqeynbtaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa saan saan colaadeed taasi oo dad badan sabab uga dhigtay in ay baqdin ka muujiyaan abaabulada colaadeed ee iska soo horjeeda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments