Xaalada Muqdisho oo saaka dagan iyo duqeyn Xalay ka dhacday Magaalada.
Bartamaha(Muqdisho):-Jawiga Guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib duqeyn Xalay loo geystay Xaafado ka mida Magaalada.
Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho ayaa Xalay six un loo duqeeyay markii Mucaaradka ay madaafiic kooban ku weerareen Madaxtooyada Villa Somalia taasina ay sababtay in jawaabta ka soo baxday shacab badan ay galaafatay noloshooda.
Xaafadaha sida xun loo garaacay ayaa waxaa ka mida Suuq Bacaad,Nasii Buundo,Sanca iyo Kaaraan Xaafado ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ka baxsan goobaha dagaalka uu ka dhacay.
Madaafiicda ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadka shacabka ah ee dagan Labadaasi Degmo oo inta badan madaafiicda lala bartilmaameedsado xili waliba oo dagaal ka dhaco Muqdisho.
Waxaa dhaawac ahaan gawaarida gurmadka ay u qaadeen 8-ruux oo dhammaan ahscab ah iyo laba qof oo la ogaaday in ay ku dhinteen madfac ku dhacay Isgoyska Sanca Muqdisho.
Jawiga guud ayaa saaka ah mid iska dagan oo aan lahayn wax rabsho ah ama dagaal ka dhacaya Magaalada waxa ayna duqeynta noqotay nolol maalmeedka dadka reer Muqdisho oo maalin walba qaar laga laayo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments