Xaalada Muqdisho oo saaka dagan iyo Ciidamada Amisom oo dhufays adag ka samaystay KM.4 iyo wadada shaqaalaha.
Bartamah(Muqdisho):-Xaalada Goobihii ay dagaalada ka holcayeen ee Woqooyiga magaalada ayaa saaka u muuqata mid yara xasiloon iyadoo xiliyada qaar la maqlayo rasaas teel-teel ah oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan.
Goobaha ay isku hor’fadhiyaan Ciidamada Dowlada Iyo Xoogaga Mucaaradka Ee Wadooyinka Degmada Shibis iyo C/Casiis ayaa saaka waxa ay tahay mid xaaladooda ay dagantahay iyadoo aanay jirin iska hor’imaad toos ah oo u dhexeeyay labada ciidan ee mudada todobadka ka badan ku dagaalamaya woqooyiga Magaalada Muqdisho.
Ma jiro wax dhaqdhaqaaq ah oo dadka deegaanadaasi ay samaynayaan iyadoo ay jirto dad kooban kuwaasi oo ku haray xaafadaha ay ka socdaan dagaalada tooska ah waxaana aad u adag in dadka ku xayiran guryaha aagaga dagaal noqday in ay ka soo baxaan xaafadaha ay ku jiraan maadaama labada ciidan aanay u tureynin dadka shacabka ah.
Dhanka kale Ciidamada AMISOM ayaa bilaabay in ay adkeeyaan dhufeysyada ay ku lahaayeen Isgoyska KM.4 iyo gurigii shaqaalaha halkaasi oo la arkayay iyagoo dhiganaya dhagaxyo adag iyo Jawaano ay ku jiraan Ciida iyo dhagax taasi oo dadka deegaanadaasi ay u fahmeen in askarta aanay u dhaqaaqaynin gudaha xaafadaha balse ay adkeynayaan goobaha ay ka joogfeen magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa waxaa si xoogan looga dareemay dhaqdhaqaaqyo ay ku dhisanayaan dhismooyin adag gaar ahaan dhufaysyo dhulka ka hooseeya si ciidamada ay isaga ilaaliyaan weeraro kaga imaankara kooxaha Islaamiyiinta dagaalada guulaha ka gaaraya sida muuqata wallow aanay weli u babac dhigin in ka badan 4000 oo askari oo ka mida Ciidamada AMISOM.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments