Xaalada magaalooyinka Puntland oo daggan maalin kadib markii ay rabshaduhu dhaceen
Inta magaalooyinka waawayn ee Puntland ayaa shalay dab laqabadsiiyay sanaadiiqdii iyo waraqihii loogu talagalay dadku inay codkooda ka dhiiibtaan doorashooyinka golaha deegaanka.
Waxaana arrintani ay sababtay in meelaha qaar rabshadihii ay dad ku dhinteen dadna ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shaqaaqooyinka kadib ku dhawaaqay in gabi ahaanba doorashadii dhici lahayd la hakiyay walow uusan shaacin xilliga kale ee loo ballamayo.
Faroole ayaa sheegay in xilligan uu ammaanku faraha ka baxay aysan dhici karina doorasho xor, sidaa darteedna ay go’aansadeen in dib loo dhigo.
Saraakiil kasocota qaramada midoobay oo booqatay Garoowe ayaa ka digay rabshadaha.
Waxaana maanta lasoo sheegayaa in magaalooyinkii rabshaduhu ka dhaceen ay dagganyihiin.
Comments
comments