Xaalada Magaalada Muqdisho oo saaka dagan iyo qasaara ka dhashay dagaalkii shalay dhacay.
Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada guud ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal iyo duqeyn shalay iyo Xalay ka dhacaysay Degmada Hodon Muqdisho.
Goobaha shalay iyo Xalay uu dagaalka ka dhacayay ee Degmada Hodon ayaa saaka dagan iyadoo qasaara xoogan uu ka dhashay dagaal shalay gabal dhicii ka dhacay Degmadaasi.
Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid shalay aroortii bilowday iyadoo ilaa Xalay fiidnimadii la maqlayay rasaas ay isdhaafsanayaan Ciidanka Dowlada iyo Amisom oo dhinac ah iyo Kooxha Mucaarada.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidanka Dowlada ay inta badan la wareegen xaafadaha dagaalka uu ka dhacay ee Degmada Hodon wallow aanu jirin war madax banaan oo ka soo baxay aaga dagaalka.
Dagaalka ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac shacabka so gaartay waxaana dad badan ay ku dhaawacmeen rasaas xoogan oo ku dhacaysay xaafadaha Degmada Waabari oo olog la ah Degmada Hodon.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments