Xaalada Goobaha dagaalada Degmada Yaaqshiid ayaa saaka dagan iyadoo dadka deegaanadaasi ay wadaan Barakicii ugu balaarnaa.
Bartamaha(Muqdisho):-Jawiga guud ee degmada Yaaqshiid ayaa saaka u muuqda mid xasiloon ka dib dagaalo mudadii Saddexdii cisho ahayd ee la soo dhaafay ka socday xaafadaha degmadaasi iyadoo dadka xaafadahaasi ku haray ay manta bilaabeen in ay ka baxsadaan goobahaasi colaada.
Goobaha dagaaladii ugu banaa ay shalay ka dhaceen ee Degmada Yaaqshiid ayaa saaka waxaa ka jira xasilooni aan kaga badan ku taagnayn iyadoo ay welli is horfadhiyaan kooxihii maalmihii la soo dhaafay dagaalada qaraar ay ku dhexmarayeen degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay saaka gabi ahaanba isaga baxaan goobaha colaada ay ka taagantahay ee Degmadaasi iyadoo sababta ugu badan oo ay dadkaasi u cararayaan ay tahay ka dib markii ay waayeen dhammaan adeegyadii Bulshada sida Biyaha Iyo Korontada oo xaafadahaasi ka go’an .
Dadka manta ka barabaxaya xaafadaha Fagax,Jamhuuriya,Suuq Bacaad iyo agagaarka saldhiga Yaaqshiid ayaa waxa ay yihiin tira kooban oo aad ugu adkeysanaysay dagaalka socday kuwaasi oo manta goostay in ay isaga baxaan xaafadihii ay daganaayeen ka dib markii dagaalku uu noqday mid daba dheeraaday oo ay marba koox la eryanayo dadka dushooda.
Inta badan Degmadaasi Yaaqshiid ayaa ah mid dadkii daganaa ay horay uga carareen taasi oo sabab looga dhigay ka dib markii colaadu ay ku sii korodhay deegaanadii ay daganaayeen iyadoo xaafadahaasi ay saamaysay Madaafiicda aan loom eel dayin ee dushooda la isku dhaafsanayo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments