Xaalada Degmada Dhuusa-mareeb oo dagan iyo Ciidankii Alshabaab oo isaga tagay duleedka magaaladaasi.
Bartamaha(Dhuusamareeb):-Ciidamada Ahlu Sunnah ayaa adkeeyay ammaanka guud ee dhuusamareeb ka dib la wareegitaankii shalay gabal dhicii.
Wararka naga soo gaaraya Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in xaalada guud ay tahay mid xasiloon ka dib dagaalkii ka dhacay Degmadaasi kaasi oo qasaara xoogan geystay.
Ciidamada Ahlu Sunnah ayaa buuxiyay Degmadaasi oo xarun u ah Gobolka Gal-gaduud iyadoo ay wadaan abaabul ka dhan ah Islaamiyiinta Alshabaab oo shalay soio gaaray Degmadaasi ka dib dagaal gaadma ah oo ay ku qabsadeen.
Ciidamada Alshabaab ayaa saaka dib uga laabtay duleedka dhuusamareeb iyagoo u dhaqaaqay dhanka Deegaanka Bulacley iyo Ceel-buur halkaasi oo ay duulaanka ka soo qaadeen shalay.
Lama oga sababta ka danbaysay dagaalka shalay ay soo qaadeen Alshabaab wallow haatan ay dib uga gurteen Degmada dhuusamareeb oo mudda saacada ah ay ka talinayeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments