Xaalada Deegaanka Xarardheere Ee Gobolka Mudug ayaa dagan ka dib markii dhaqdhaqaaqyo ay bilaabeen waxgaradka Deegaankaasi.
Bartamaha(Xarardheere):-Xaalad daganaansha ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Xarardheere Ee Gobolka Mudug halkaasi oo mudooyinkii la soo dhaafay ay ka taagnayd falal dilal aana qabiil ah.
Deegaanka Xeebalayda ah Ee Xaradheere ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay isqabqabsi dhul ku salaysan taasi oo u dhexeeyay laba beelood oo wada daga Deegaankaasi.
Isku dhaca labada Beel ayaa la sheegay in ay ka dhalatay waddo loogu tala galay isticmaalka gaadiidka oo beel ka mida dadka daga deegaankaasi ay waday qorsho ay ku fureysay taasi oo keentay in ay isku fahmi waayaan mid ka mida beelaha deegaan ahaan ku badan Xarardheere.
Dilal ay ku bexeen Waxgarad muhiim ah iyo dad rayid ah ayaa halkaasi ka dhacay iyadoo dhammaan dadka deegaanka ay ku mashquuleen sidii ay isku ilaalin lahaayeen ama aan loo dili lahayn.
Waxgaradka labada Beelood Ee dadka iska dilay oo ay wehlinayaan maamulka Deegaanka Ximin iyo Xeeb ayaa xiligan waxa ay isku taageen sidii ay u nabadeyn lahaayeen deegaankaasi islamarkaana ay labada beel Ee xurgufta dhexmartay u kala dhexgali lahaayeen.
Dadaal badan iyo xiriira ay sameeyeen Waxgaradkaasi ayaa waxaa suurta gal noqotay in la qabojiyo xiisada colaadda taasi oo gaarsanayd heer ay labada beelood dagaal toos ah uu dhexmaro.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments