Calendar

Xaalada Deegaanka Masagawaay oo Shalay dagaalka uu ka dhacay oo saaka dagan.

1_921714_1_34_993330873Bartamaha(Masagawaay):-Xaalada Deegaanada Masagawaay iyo Galcad ayaa saaka dagan ka dib dagaal qaraar oo shalay halkaasi ku dhexmaray Alshabaab iyo Ahlu Sunnah.

Xaalada Deegaanadaasi dagaalka uu ka dhacay ayaa saaka ah mid dagan waxaana la sheegayaa in dagaalkii shalay ay ku la’deen Maleeshiyaadka Labada Koox oo faraha iskula tagay.

Deegaanada dagaalka uu ka dhacay ayaa saaka ah kuwa xasiloon iyadoo ay isaga tageen Ciidamadii Alshabaab oo horay weerar ugu qaaday Deegaanada ay AHlu Sunnah ka taliyaan.

Labada Deegaan oo ka ah Masagawaay iyo Galcad ayaa ah kuwa ay gacanta ku hayeen Ahlu sunnah wallow shalay marar badan ay isku badbadashay gacanta Labada Koox.

Tirada dhimashada ayaa gaaraysa 20-qof oo u badan maleeshiyada Labada Koox waxaana jira dad badan oo Madax a ay ka gooyeen Alshabaab kuwaasi oo ay ku sheegeen Ahlu sunnah.

Saraakiil ayaa labada Koxo uga dhimatay dagaalka waxaana ku jiray Taliyihii Ahlu sunnah aaga Masagawaay oo la xaqiijiyay dhimashadiisa sidoo kale la sheegayaa in ay jiraan saraakiil sare oo ka dhimatay dhanka Alshabaab.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: