Calendar

Xaalada Deegaanka Bacaad-Weyn oo saaka dagan ka dib dagaal shalay galab ka dhacay halkaasi.

maleeshiyoBartamaha(Bacaad-Weyn):-Xaalada guud Ee Deegaanka Bacaad-Weyn ayaa saaka dagan ka dib dagaal qaraar oo shalay ka dhacay Deegaankaasi.

Dagaalka oo u dhexeeyay Maleeshiyaad laba beel oo Walaala ah oo wada dagan Deegaanka Bacaadweyn Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhashay qasaara kala duwan.

Illaa 4-qof ayaa dhimatay 6-kale dhaawac ayaa gaaray markii labada Maleeshiyo ay isdhaafsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan gudaha dhulka miyiga ah ee Bacaadweyn.

Dadka waxyeelada ay gaartay ayaa waxa ay yihiin maleeshiyada labada bee lee dagaalka uu dhexmaray iyadoo aanay jirin cid isku dayday joojinta colaadaasi.

Illaa haatan xaalada saaka waxa ay u muuqataa mid dagan iyadoo aan la isku halayn Karin jawiga sida uu noqon doono maadaama dagaal uu ka dhacay deegaankaasi oo ah meel ka baxsan magaalooyinka Gobolka Mudug.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: