Xaalada Deegaanadii ay Dagaalada Shalay ka Dhaceen Oo Maanta Dagan
Â
Bartamaha(Xagar):- Wararka aynu ka heleyno degmada xagar ee gobolkani j/hoose ayaa inoo xaqiininaya in xaaolada degmada xagar iyo nawaaxigeeda oo shalay ay ku hardameen xoogaga xarakatu shabaabul mujaahidiin ee ka arimiya gobollada jubooyinka iyo ciidamadii uu horkacayay axmed max’ed islaam (axmed madoobe ) oo xubin sare ka ah ururka xizbul islaam ay saaka tahay mid dagan.
Isgaarsiinta degmada xagar oo shalay hawada ka maqnayd ayaa maanta dib loo helay waxaana dadka deegaanku ay xaqiijinayaan in ay xaaladu degantahay wallow la filan karo dagaal waqti walba maadaama labada ciidan ay is horfadhiyaan waqti walbana laga yaabo in ay dagaalamaan.
Dagaladii shalay ka dhacay degmada xagar ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen dad lagu qiyaasay 8 ruux halka 10-kalena ay ku dhinteen kuwaasi oo dhamaantoodba ahaa dhinacyadii ay dagaaladu u dhexeeyeen madama goobta ay dagaaladu ka socdeen ay ahayd dhul baadiye ah.
Dagaalada u dhexeeya maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ee hoostaga xarakatu shabaabul mujaahidiin iyo dhanka kale ee uu hogaaminayo Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo xubin sare ka ah ururka xizbul islaam ee ka dagaalama koonfurta wadanka soomaaliya ayaa ah mid soo noqnoqday islamarkaasina ku saleysan Maamulka iyo siyaasadda gobollada jubooyinka gaar ahaan magaalada dekedda leh ee kismaayo.
Warar xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com
Comments
comments