Xaaladda Degamada Buuhoodle oo maanta deggan.
Bartamaha (Buuhoodle):- Degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn ayaa saaka ku waaberisatay jawi deganaansho ah ka dib markii uu halkaas shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya shacabka degaanka iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaas mudo todobaad ku dhow ku sugnaa.
warar qaar ayaa sheegaya in Magaalada guud ahaanba laga dareemayo Qax iyo kala caray Afarta jiho ee magaalada,wuxuuna qofkasta ka baxsanayaa dagaaladii shalay dhacay oo maanta mudo hakaday oo laga cabsi qabo in uu markale dib u bilowdo,waxaana taas garab socda gurmad Ethiopian ah oo ka imaanaya Degmada Bookh oo katirsan gobolka Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhimatay in kabadan 20-ruux oo u badan dadkii Dagaalka kala horyimid Ciidanka Ethiopia iyadoo Dhaawaca kor u dhaafay 34-qof,waxaana ay isugu jiraan dadka Isbitaalka hada lagu dabiibaayo kuwa qaba dhaawac culus iyo fudud.
Guud ahaanba jawiga Buuhoodle ayaa dagan waxaana soo qulqulaya Ciidamo badan oo Ethiopian ah & Saraakiil soomaali ah oo ka imaanaya meelo badan oo katirsan kilika Shanaad ee Dalka Ethiopia oo ay Soomaalidu degto,waxaana laga cabsi qabaa in Ciidamo beeleedyo is uruusanaya ay soo weeraraan Ciidank Ethiopia taasina keento laba jibaar Khasaarihii shalay dhacay.
Wixii warar dheeraad ah kala soco Bartamaha.
Comments
comments