Xaalada Baladweyne oo weli kacsan iyo Baqdin laga qabo dagaal ku baaha Magaalada oo dhan.
Bartamaha(B/Weyne):-Xalada Magaalada Baladweyne ayaa weli kacsan halkaasi oo shalay qeybo ka mida Magaalada ay qabsadeen Ciidanka Dowlada.
Wararkii ugu danbeeyay ee saaka naga soo gaaray Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Cidianka Dowlada ay joogaan Xaafado ka mida Bariga Magaalada Baladweyne.
Ciidanka Dowlada ayaa magaalada la soo galaya gawaari dagaal waxaana xilli waliba la filan karaa dagaal xoogan oo ka dhaca Xaafadaha Baladweyne iyadoo qoryaha Lidka Diyuuradaha ay ridayaan Ciidanka Dowlada.
Galbeedka Baladweyne waxaa soo buuxiyay Cidian Alshabaab ka socda oo ka yim id dhanka Bula-Barde waxaana laga yaabaa in ay difaacanayaan Galbeedka Baladweyne oo ay ku soo dhawaadeen Askarta Dowlada.
Maleeshiyada Xizbul Islaam ayaa ku sugan Xaafadaha Bariga gaar ahaan deegaanada u dhiw dhanka Galbeed taasi oo muujin aysa in awood ay u la’yihiin Difaacida Magaalada.
Wixii warar ah ee soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments