Calendar

Xaaji dhagool ahaa oo 20-Sano ka dib dhagihiisa helay (MUCJISO).

xaaji dhagaha u furmayBartamaha (Makka Al-Mukarama):-Xaaji Soomaliyeed oo haatan ku sugan Xaramka ayaa maqalkiisii iyo hadalkiisii dib u helay kadib markii uu dhagool ahaa mudo 20 sano ah. Oo uu dadka tilmaan un kula hadlayay.

Xaaji Cali C/raxmaan Shariif, oo kamida xujayda Soomaliyeed ee ka soo xajisay Dalka Ingiriiska sanadkan, ayay u suurta gashay Alle Qadartiis in uu hello maqalkiisii iyo in uu awood u yeesho in uu hadli karo kadib markii uu dawaafay, cabayna biyaha ZamZam-ka.

Xaaji Cali, oo 42 jir ah, ayaa maqalka iyo hadalka gabay mudo haatan laga joogo 20 sanadood kadib markii uu hoobiye ku soo dhcay meel u dhow, sida uu u sheegay wargayska Alwatan oo ka soo baxa dalkaasi boqortooyada Sucuudiga.

Qoyska Cali oo u suurta gashay in ay ku noolaadaan dalka Ingiriiska ayaa la tacaalay daweynta Xaaji Cali, nasiib daro laguma guulasyan arntiisi.

Xaaji Cali waa Aabe leh  4 caruura degana dalkaasi Ingiriiska. Xiliga uu u soo Xaj tegayay dalka Sucuudiga waxaa loo sameeyay warqad aqoonsi ah oo muujinaysa in uusan hadli karin waxna maqli karin, sida uu sheegay gudoomiyaha Xujeyda Soomalida ee ka soo Xajisay Ingiriiska.

Xaaji Shariif ayaa sheegay in uu maqalkiisii ugu horeeyay 20 sano  kadib uu maqlay isaga oo uu ku jira Suuliga Barxadaha Koonfureed ee Xaramka.

Waxa ugu horeeyay ee uu maqlayna uu ahaa aadaanka salaada Subax. Xaaji cali ayaa sheegay markii uu maqlay aadaanka in uu dadkii u soo cararay una sheegay in uu hadli karo waxna maqli karo.

Xaajiga ayaa in mudo ah la tijaabinayay maqalkiisa iyo hadalkiisa kadibna waxaa la geeyay cusbitaalka xaaladaha deg dega ee Ayaad oo ku yaala Sucuudiga. Dhaqtar Maxamed Gazali ayaa sheegay mar uu baaray Xaaji Cali, in uu caafimaad qabo. Ayna dhacdo in uu qofku helo maqalkiisa.

Dhaqtarkuna waxaa uu sheegay in horay ay u dhacday in qof aan indho lahayn oo soo xajiyay uu aragiisii dib u helay kadib markii uu cabay biyaha ZamZam-ka. Ayna ka mid tahay mucjisooyinka Alle. Xaaji Calina sidaasi si la mid ah ayaa helay maqalkiisa xili uu dawaafay cabayna biyaha Baraksyan ee Zam zamka.

Alle Subxaanahu watacaalaa Iasaga ayaa awooda wax walba. Arimahaanina waxaa ay ka mid yihiin mucjisooyinka Eebe.

Xafiiksa www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: