Wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka oo faahfaahin ka bixisay ujeedada ay ka lahaayeen Calaamado dhawanahan ay u sameynayeen Guryaha ku yaal Magaalada Kismaayo.
Bartamaha(kismayo);-Bayaan maanta ka soo baxay Xafiiska arimaha bulshada ee Maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo ayaa lagu sheegay ujeedada laga leeyahay howlo lagu lambarinayo guryaha ku yaal shanta xaafadood ee ku yaal magaalada Kimaayo oo dhawaanahan ka soconayay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Madaxa arimaha Bulshada ee magaalada Kismaayo Sheekh Aadan Coobe oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee ay u calaamadinayeen guryaha ku yaal magalada kismaayo ay kamid yihiin in la ogaado tirakoobka rasmiga ah ee dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo in la kala ogaado dadka danyarta ah iyo dadka wax heysta ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo
sikastaba ha ahaate dadka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa waxa ay is weydinayeen ujeedada laga lahaa lambarada loo sameynayo guryaha ku yaal xaafadaha magaalada kismaayo, waxaana ay arintani tahay mid uu maamulku doonayo in uu wax ugu qabto dadka tabaaleysan ee ku dhex nool xaafadaha magaalada Kismaayo.
Bartamaha_kismaayo
Comments
comments