Wiil Soomaali ah oo noqday qofkii ugu horeeyay oo Madow ah ee tartan aqeeneed u matala Norwey
Bartamaha (Norwey):- Wiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed ayaa Sanadkan 2010 kasoo dhex muuqday boqolaal Arday oo wax ka barata Dugsiyada waxbarashada ee Dalka Norway kuwaasoo u tartamay sidii ay uga qeybgali lahaayeen Tartan Xirfad aqooneed 2-dii sanoba mar ay ka qeyb galaan 26 waddan oo ku yaalla Qaaradda Yurub kana dhici doona magaalada Lispon ee dalka Portugal inta u dhaxeysa 8 ilaa 12 December.
Amir Abdullahi Omar, waa 23 jir ku dhashay Magaalada Muqdisho wuxuuna ka mid noqday 16 Arday oo kusoo baxay Tartan aqooneedka xagga xirfadda ee Dalka Norway u matali doona Kadis aqooneedkan lagu magacaabo (Euro Skills).
Xaflad 16-kan Arday ay ugu diyaar garoobayeen Tartanka Portugal ay uga qeybgali doonaan ayaa Jimcihii hore, 19-kii bishan, lagu qabtay Magaalada Lillehammer oo qiyaastii 200 KM u jirta Caasimadda Oslo halkaasoo ay ku booqatay Wasiiradda Waxbarashada ee Norway haweeneyda lagu magacaabo Kristin Halvorsen oo hadalo dhiirrigalin iyo amaan isugu jiray u jeedisay Ardaydaas Qaranka Norway u matali doonta Tartan aqoonedka Yurub. Xafladda oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Waalidiinta dhalay Ardayda, Macalimiin iyo Madax kasocotay Dowladda ayey Wasiirad Halvorsen Ardayda iyo waalidiintoodaba ugu hambalyeysay Guusha ay gaareen markii ay kasoo dhexbaxeen kumanaanka arday ee waxka barta Dugsiyada ku yaala dhamaan Gobolada dalka Norway.
Ardaydan oo xirfado kala geddisan soo bartay ayaa qeybaha ay ku tartami doonaan waxaa ka mid ah:- Graphic Design, Health, cooking, Hairdressing, Mechatronics, Computer Nummaric Control Programming (CNC) iyo qeybo kale oo farabadan.
Amir Abdullahi Omar oo ah Ardayga kaliya ee Afrikanka ah ee ka mid noqday Ardayda Dalka Norway ee la tartameysa asaagooda kale ee reer Yurub,wuxuu dalkan Norway Yimid sanadkii 2003 wuxuuse magaalada Muqdisho kusoo qaatay waxbarashada dugsiga Hoose/Dhexe Saacid School oo ku yaalay Degmada Shibis, isagoo dugsiga sarena kaga baxay magaalada Oslo. Amir hadda wuxuu ku tartami doonaa Graphic Design oo uu soo bartay.
Amir Omar oo ay shabakadda Deeyoo.com la xiriirtay ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay heerkiisa waxbarashada isagoo dhinaca kalena rajo weyn ka qaba inuu guul kasoo hooyo Tartanka uu kala qeybgali doono Ardayda Waddamada kale ee Yurub ka socota. –Waan isku kalsoonahay, rajo fiicana waan ka qabaa inaan guuleysto,-.ayuu yiri Amir Abdullahi oo ay u tahay markii ugu horreysay ee uu Tartan midkan oo kale ah ka qeybgalo. Tartan Xirfadeedkan Euro Skills waxaa uu qaaradda Yurub ka hirgalay markii ugu horreysay sanadkii 2008-dii, waxaase jira Tartan weyne midkan ka caansan oo waddamada Adduunka arday ka kala socotaa isugu yimaadaan labadii sano mar.
Amir Abdullahi ayaa noqonaya Wiilkii 3-aad ee Soomaaliyeed ee muddooyinka dambe kasoo muuqda Warbaahinta dalka Norway, iyadooMohamed Abdi Farah (MO) oo ah Soomali 18 jir ah uu haatan ka mid yahay dhalinyaro Norwegian ah oo ku tartameysa dhanka Heesaha iyo qoob ka ciyaarka barnaamij caan ah oo lagu magacaabo X FACTOR Norway.
MO Farah ayaa ka mid ah 4 qofood oo isugu soo hartay wareegga ugu dambeeya ee tartan Faneedkan oo lagu heesayo luuqado kala duwan inkastoo tan ugu badani tahay Luqadda English ka. Sidaas oo kalena waxaa horey dalkan Norway uga soo caan baxay Ciyaaryahanka da’da yar ee Abdisalam Caddaay oo u ciyaara Kooxda kubadda Cagta Manchester City ee dalka Ingiriiska ka dhisan.
Ugu dambeytii Dhalintan Somali-Norwegian ka ah ee kaalimaha fiican haatan kaga jira dhinacyada Waxbarashada, Ciyaaraha kubadda cagta iyo Heesaha ayaa la hubaa inay Sawir wanaagsan u noqdaan Dhalinta kale ee Soomaaliyeed ee dalka Norway iyo Yurub inteeda kaleba ku nool si ay ugu daydaan una diyaariyaan mustaqbal ifaya si ay Dalkooda iyo Dalkooda u anfacaan.
By: Qaasim Cabdulle Nero
Comments
comments