Wiil Soomaali ah oo ka qaybqaatay badbaadinta dadkii ku dhex go’doomay Westgate maalintii sabtida ee weerarku bilowday oo la waraystay
Abdul Yuusuf Xaaji oo uu dhalay wasiirkii hore ee gaashaandhigga ahaana wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Yuusuf Xaaji ayaa waraysi uu siiyay taleefishinka dalka Kenya ee NTV ku sheegay in walaalkiis iyo aabihiis ay raadinayeen kooxda Alshabaab ee weerarka qaaday.
Wuxuu sheegay in walaalkiis uu meesha ku jiray unaa isaguu kasoo gurmaday meel u dhow Westgate si uu gacan u siiyo walaalkiis oo kamid ahaa dadkii ku go’doomay gudaha xilligii weerarku socday, markaas kadibna uu soo badbaadiyay tiro dad ah oo halkaas ku xannibnaa.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.