WHO oo sheegtay Cudurka Kalooraha in uu ka Dilaacay Soomaaliya
Genava (www.Bartamaha.com):- War bixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka dunidda ee marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero (WHO) ayaa sheegtay in 18-qof ay la il daran yihiin isbitaalada ku yaala Soomaaliya cudurka Kalooraha
Afhayeen u hadlay WHO ayaa suxufiyiinta ugu sheegay magaaladda Geneva ee dalka Switzerland in ay tijaabo ka qaadeen sodon saxaro ah ka dib laga helay 18-xaaladood oo ah xaaladood oo la hubo in cudurka Kalooraha uu ka jiro Soomaaliya.
Dhamaan baartitanadda ayaa waxa laga sameeyay gudaha magaaladda muqdisho
WHO waxa kaloo ay sheegtay bilihii June iyo July kaliya in la jiifiyay ibitaalka Banadir ee magaaladda Muqdisho1,633 qof oo uu soo titay shuban ama fuuq buux.
Waxa kaloo ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Dunidda in ay sii kordhaayaan tiradda caruurta macluusha ay heeso ka dib markii ay kor u kacday xaaladda abaarta ee ka taagan Soomaaliya.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho ee www.Bartamaha.com
Comments
comments