read more »">
Calendar

WFP Oo Kajawaabtay Abaaraha ka jira Soomaaliya iyagoo Balan Deg deg sameeyay

www.Bartamaha.com:Hay’adda Cunada aduunka ee WFP ayaa balan qaaday inay si dhaqsi ah ugu jawaabi doonto codsiga kasoo yeeraya barakacaaysha Soomaaliya ku dhibaateysan.

WFP ayaa wacad ku martay inay xalin doonto oo gargaar deg deg ah soo gaarsiin doonto Gobolada abaaraha ka jira  Dalka Soomaaliya iyo Qaxootiga ku dhibaateysan Caasimadda Mugadisho.

Madaxad ugu sarayso Hay’adda Qaramada Midoobey Ee WFP ayaa balan qaaday inay al shaqeyn doonto Hay’adaha gargaaraka u fidinaya Barkacaayasha ku dhibaataysan Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa u barakacaya Degaanada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole.

Aagsimaha WFP u qaabilsan Soomaaliya Stefano Porretti ayaa shaaca ka qaaday in si deg deg ah u caawin doonaan 50 Kun oo qof oo ku dhibaatsayn goobaha ay abaaraha ka jiraan isagoo ku nuuxnuusay inay iskala kaashan doonaan Gargaarka Ha’adaha kaleoo ka socda Dalalka Denmarka iyo Norway.

“Si deg deg ah ayaa u gargaari doonaan 50 Kuno oo dhibaateysan islamarkaana saameesay abaaraha xoogan ee ka jira Dalka Soomaaliya, dabcan diyaar ayaa u nahay inaa la shaqeyno Hay’adaha gargaara ee ka jira Dalka Soomaaliya iyo Gobolada dhan” ayaa laga soo xigtay Madaxad ugu sarayso Hay’adda Cunada aduunka ee marka magaceda lasoo gabiyo loo yaqaano WFP.

Hay’addani cunada Aduunka ayaa hadda ka hor codsi u dirtay Mareykanka si ay ugu helaan Lacago badan ee ku caawiyaan Dadka Soomaaliya ku dhibaateysan Sanadkani 2011 oo kaliyah.

Stefano Porretti ayaa ku celcliyaya inay quudin doonaan Haweenka iyo Caruurta ka soo barakacay xaafadhooda Dagaalaad jira awgood, waxaan furaynaa 20 Xero oo aan ku quudin doono shacabka abaaraha ku dhufatay oo haatan ku sugan Gudaha Caasimadda Soomaaliya Ee Mugadisho.

Ugu danbayntii Mr. Stefano Porretti Aagsimaha WFP u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxuu qiray hadafka WFP inay tahay inay gargaaraan cid walba oo dhibaato iyo abaaro saameeyaan,isagoo hadaladiisa ku daray in Ha’adda Caalamiga Ee WFP ay qorshaheedu taahy inay caawiyaan Sanadkiba 1.2-Milyan qof oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: