Diyaarado oo weerar ku qaaday saldhig Lugu tababarijiray al shabaab.
Wararka aan ka heleyno kismaayo ayaa sheegaya in laba diyaarad ay weerar ku qaadeen saldhig Lugu tababarijiray dhalinyarada shabaabka ay ku leeyihiin magaalada dhinaca koonfureed ku taal Ee Kismaayo.
Saldhigaan la weeraray ee la weeraray ee lugu tababarijiray dhalinyarada shabaabka ayaa la Sheegayaa inuu ahaa meel ay joogaan dagaalyahaniinta ajnabiga ah ee la jooga kooxda al Shabaab.
Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in laba ka mid ah asxaabtiisa inay ku dhaawacmeen Weerarka, isla markaana dayaaradaha soo weeraray ay ahaayeen Mareykan iyo Faransiis.
Inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxaa maamula kooxda Islaamiga ee al-Shabaab.
Duqeymahani ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkan danbe ay ku dulwareegayeen magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda Warar kale ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof lagu dilay weerarka Lugu qaaday xeradaas .
xafiiska wararka bartamaha: muqdisho
Comments
comments