Weeraro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya
Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa lagu toogtay isgoyska Maka-almurrama ee magaalada Muqdisho sida ay goob joogayaal xaqiijiyaan Bartamaha.
Ninkan la toogtay ayaa la sheegay inuu ahaa qof rayid ah oo goobtaas marayay lagana soo toogtay gaari wadada marayay oo isla markiiba goobta ka baxsaday.
Inkastoo ay ciidamada ammaank soo gaareen goobta isla markiiba haddana kuma guulaysan inay soo qabtaan cidii weerarkaas gaysatay.
Dhinaca kalana degmada Hodan ayaa la weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.’
Waxaana wararku sheegayaan in bamboonooyin la huwiyay goobtii ciidanku ku sugnaa taasoo keentay in haween caanoley ah ay ku waxyeelloobaan weeraradan.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka gadoodsan sii xumaanshaha amniga caasimada ayaa u yeeray wasiirka arrimaha gudaha oo su’aalo la waydiin doono maalinta Axadda ah.
Comments
comments