Weeraro isdaba joog ah oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya
Qaraxyadaan oo isugu jiray Weerarada Bambaanooyinka Gacanta iyo Madaafiic Xafaadaha qaar ku dhacay ayaa laga Maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxyada qaar ayaa waxaa ay ka dhaceen meelo ay ku sugnaayeen dad Shacab ah , halka kuwa kalana lala Bartilmaamsday Goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaaficda ayaa la sheegay in ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degmooyinka, Hodan , Waaberi iyo X/weyne , iyadoo labo ka mid ah Madaafiicdaasi ay ku dhaceenn inta u dhexeysa Air-Portka Muqdisho iyo Isgoyska KM4.
Qaraxyo kale oo u muuqday in ay ahaayeen kuwa abaabulan ayaa waxa ay iyana ka dhaceen Xaafado ka tirsan Degmooyinka , Heliwaa, Yaaqshid iyo Dayniile ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Weeraradii xalay ayaa argagax ku abuuray dadweynaha magaalada Muqdsiho, waxaana wararku ay sheegayaan in walaac badani uu soo food saaray ergada ka qaybgalaysa shirka qaran ee hadafka 2016ka, kuwaasoo qaarkood ka yimid qurbaha oo in badan oo kamid ah ay Soomaaliya hadda ugu horrayso labaatan sano kadib.
Comments
comments