Weeraro isdaba joog ah oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya
Kooxo hubaysan ayaa xalay weeraro abaabulan ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan degmooyinka Hiliwaa iyoYaaqshid ee gobolka Banaadir.
Kooxahan hubaysan ayaa weeraro qorsheysan ku qaaday xarumo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya,goobaha la weeraray ayaa waxaa kamid ah Warshadda hore ee Baastada,Xayala Bariise iyo hoyga gudoomiyaha degmada Hiliwaa Cumar Cabdulle Jacfaa.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay iney maqleen daryanka Madaafiic lagu tuuray gudaha xarumahan,waxaana intaa kadib bilaabatay rasaas culus oo ay isweydaarsanayeen kooxdii weerarka soo qaadday iyo ciidamadii ku sugnaa xarumaha weerarka lagu qaaday.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.