“Weerarkii maxkamada waa tijaabo awooda dowlada” RW Saacid
Ra’isal wasaraha dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa sheegay in weerarkii 14-kii bishan ay Al shabaab ku qaadeen maxkamada sare uu ahaa mid lagu tijaabinayay awoododa.
Waxa u la hadlayay RW Saacid ciidamo gaar loogu diyaariyey iney ka howl-galaan sugida amaanka magalada Muqdisho oo u sheegay iney iminka laga doonayo iney ka hortagaan.
“Weerarka lagu qaaday maxkamada gobolka oo ku taalla halbowlaha Muqdisho waxa ay ahayd arin culus oo cadowgu uu ku doonayeey iney ku ogaadaan sida dowlada iyo shacabkeenu ay uga hortagi karaan falkaas,balse nasiib darro waxaan qirayaa in laga gaabiyey arinkaas” ayuu yiri RW Saacid.
“Arrin dhib badan ayay aheyd waana qiraneyna inaan la imaaneyno qorshe iyo feejignaan aan uga hortageyno taas mid la mid ah, dabin daabyada ay Argagixisada dowladeena cudurnka la rabaan waa culus tahay” ayuu raaciyey
Askarta cusub ee ilaalin doonto caasimadda Muqdisho ayaa ka koobnaan doonto ilaa 1000-askari kuwaas oo dhawaan ku tababartey dalka gudihiisa iyo dibadda.
Dowladda ayaa waxa wajahayo sidi ay gacanta ugu dhigi laheed amaanka meelaha ay gacanta ay ku hayso oo dhibaatooyin badan ay ka dhacayaan oo dhinaca nabad galyadda la xiriira.
Comments
comments