Weerar Xalay lagu qaaday Ciidanka Puntland.
Bartamaha (Boosaaso):- Weerar qasaara sababay ayaa Xalay l;agu qaaday Ciidamada Amaanka Puntland xilli ay ku sugnaayeen duleedka Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.
Kooxo aan la garan ayaa Xlay dagaal toos ah la gashay Ciidanka Puntland oo ku sugnaa Bar Control deegaanka Karin oo dhaca duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari halkaasi oo dagaal muddo kooban socday uu xalay ka dhacay.
Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii Koox aan la ogaan waxa ay ahaayeen ay Garneelada garabka laga gano iyo rasaasta Boobayaasha ka dhacaysay ay la beegsaden Ciidanka dagan Karin oo dhacda meel qiyaastii 10-KM u jirta Magaalada Boosaaso.
Dagaalka ka dhacay Karin ayaa dad badan ay aaminsanyihiin in u la xiriiro hadal ka soo yeeray Madaxweyne Faroole kaasi oo uu afka ku weerarayay nin lagu magacaabo SHEEKH ATAM kaasi oo dablay isaga hoostagta ku haysta dhulka buuralayda ah ee Gobolka Bari.
Weerarka ayaa sababay dhaawaca 3-askari iyo geerida qof shacab ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka ammaanka qaabilsan oo Saxaafada saaka la hadlayay.
Wixii ku soo kordha xaaladaasi dagaal iyo qaabka weerarka u dhacay kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments