Weerar lagu qaaday siyaasiyiin u dhashay waddanka Sweden oo ka dhacay Muqdisho
Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden waxaa shalay lagu toogtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga bidix (Vänsterpartiet) ee dalka Sweden, kuwaasi oo Muqdisho u tegay barnaamij ku saabsan horumarinta waxbarashada.
Siyaasiyiintan oo kala ah Abdirahim Hassan oo 24 jir ah, isla markaana ka tirsanaa Dhalinyarada Xisbiga Vänsterpartiet iyo Ann-Margarethe Livh oo ah xubin sare oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet ayaa labaduba waxaa shalay lagu weeraray bannaanka hore Jaamacad ay hadal ka jeedin lahaayeen.
Abdirahim Hassan iyo darawalka gaarigii ay la socdeen ayaa goobtii weerarka ka dhacay ku geeriyooday, halka Ann-Margarethe Livh uu soo gaaray dhaawac, kaasi oo haatan looga daaweynayo Isbitaal ku yaalla dalka.
Guddoomiyaha Xisbiga Jonas Sjöstedt oo la hadlay TV-ga SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin geerida naxtinta leh ee ku timid Abdirahim Hassan iyo dhaawaca loo geystay Ann-Margarethe Livh, wuxuuna ku tilmaamay dhibka dhacay masiibo xanuun badan.
Dhibanayaasha ayaa Muqdisho u tegay meel-marinta barnaamij la xiriira horumarinta waxbarashada Soomaaliya, waxayna dhibaatada loo geystay ay niyad-jebineysaa hay’adaha iyo shakhsiyaadka doonaya in ay gacan ka geystaan horumarinta Soomaaliya dhinac walba.
Comments
comments