Weerar lagu qaaday ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marka
Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu weeraray ciidamo u dhashay dalka Burundi oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM.
Waxaana weerarka lala eegtay gawaari kolonyo ah oo maraysay magaalada dhexdeeda.
Inkastoo wararku ay sheegayaan in gaari booyad ah oo ay ciidamadu wateen inuu gubtay, hadana khasaaraha dhabta ah ee askarta wax ku gaareen wali lama cadayn karo.
Waxaana magaalada ku kala cararay dadweynihii marayay wadooyinka, kuwaasoo ka cabsi qaba in loo xiro amaba ay ku dhacaan xabado is daba joog ah oo ay fureen ciidanka Burundi.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.